Xeerka Xogta Sirta ah ee WA Notify

Xeerkaan asturnaanta xogtu wuxuu khuseeyaa aalada WA Notify (Ablikeeshinka WA ee Sheega U dhawaanshaha Caabuqa), oo ah farsamada casriga ah ee rasmiga a ee ogaysiiska la joogista qof qaba caabuqa ee Gobalka Washington. WA Notify waxaa lagu abuuray korjoogtada iyo taageerada Washington State Department of Health (DOH, Waaxda Gobalka Washington uqaabilsan Caafimaadka).

Xog noocee ah ayaan aruurinaa oo aan isticmaalnaa?

Xogta soo socota ayaa lagu aruurin karaa aalada WA Notify:

  • Soo dejinta ama furista WA Notify.
  • Helitaanka ogaysiisyada qaadista caabuqa.
  • Dirista koodhka xaqiijinta ama lifaaqa xaqiijinta.
  • Soo gelinta barta koodhadhka isdhaafka ah ee dadka aalada isticmaala oo laga helay caabuqa kuwaasoo doortay inay u sheegaan dadka kale.

Department of Health (DOH, Waaxda Caafimaadka) ee Gobalka Washington waxay adeegsataa xogta dhacdada kore si ay u fahanto sida WA Notify loo isticmaalaayo. Xogtaan ayaa lala wadaagi karaa DOH, wakaaladaha caafimaadka dadweynaha, ama maamullada caafimaadka ee awooda u leh. Waxaa sidoo kale loo adeegsan karaa ayadoo isku dhafan ujeedooyin tirakoob ama cilmi baaris caafimaad. Xogtaan kuma jiraan wax kamid ah xogta qofka ama goobta loomana adeegsan doono in lagu aqoonsado isticmaale ku jira WA Notify

Si uu u waafaqo ujeedada ay u sameeyeen Google iyo Apple, WA Notify waxaa loo sameeyay inuu difaaco sirta isticmaalaha oo ah muhiimada koobaad. WA Notify waxay soo saartaa xogtaan, taasoo aysan ku jirin xog ku aqoonsanaysa:

Koodhadhka Iskudhafan

  • Koodhadhka Iskudhafan waxaa dhanka aalada Bluetooth ka isku dhaafsadaa taleefanada dadka isticmaala WA Notify marka ay isku dhawaadaan.
  • Koodhadhka Iskudhafan waxaa ka shaqeeya oo nidaamiya taleefankaaga casriga ah, mana maamulo abka WA Notify.
  • Koodhadhka Iskudhafan waxaa loo adeegsadaa kaliya in loo oggolaado in WA Notify iyo taleefankaaga casriga ah ay hubiyaan suurtagalnimada inaad la joogtay qof qaba COVID-19.
  • Koodhadhka Iskudhafan waxaa loo nidaamiyaa ugu badnaan inay shaqeeyaan 14 maalmood.

Koodhka iyo lifaaqyada Xaqiijinta

  • Haddii caabuqa COVID-19 lagaa helo, uuna qof ka socda waaxda caafimaadka dadwaynaha ee deegaankaaguna kulasoo xariiro, wuxuu ku waydiin doonaa inaad isticmaasho WA Notify. Haddii aad isticmaasho, waxay ku siin doonaan koodhka ama lifaaqa xaqiijinta si aad u geliso WA Notify.
  • DOH waxay sidoo kale farriin soo dhacda iyo/ama qoraal ah oo wata lifaaqa xaqiijinta u dirtaa qof kasta oo dhawaan laga helay COVID-19 sidaa darteed isticmaalayaasha WA Notify ayaa si dhaqsi leh oo qarsoodi ah digniin ugu diri isticmaalayaasha kale ee qaadista caabuqa suurtagalka ah.
    • Taabashada ogaysiiska ama gujinta lifaaqaaga xaqiijinta waxay u sahlaysaa koodhadhkaaga isku dhafan in lawadaago si dadka kale ee isticmaala WA Notify ee kuu dhawaa si qarsoodi ah loogu digo inay suurtagal tahay inay qaadeen caabuqa.
    • DOH waxay udirtaa farriin qoraal ama fariin wadata lifaaqa xaqiijinta qofkasta oo laga helo COVID-19 sababtoo ah ma ogin cidda isticmaasha WA Notify. Haddii aadan isticmaalin WA Notify, waxaa iska dhaafi kartaa farriinta qoraalka.
    • Waxaad go'aaminaysaa inaad gujiso ama aadan gujin ogaysiiska kuu keenay lifaaqa xaqiijinta si aad qaab qarsoodi ah ula wadaagto isticmaalayaasha kale ee WA Notify.

Liiska Isticmaalka

  • Si lamid ah ablikeeshin kasta ama adeeg kasta oo interneet ah, WA Notify wuxuu si ootomaatig ah u abuurayaa liiska xogta marka aad adeegsato adeegga. Liisaskaan waxaa ku jira qaar kamid ah xog ku saabsan taleefankaaga casriga ah. Waxaan u adeegsanaa xogtaan si aan u xalino ciladaha ka jira WA Notify.
  • Liisaskaan kuma jiraan koodhadh iskudhafan ama lifaaqyada ama koodhadhka xaqiijinta loomana adeegsan karo labada koodh midkoodna in lagugu raadiyo adigga ama taleefankaaga.
  • Liisaskaan waxaa loo tiraa si ootomaatig ah 14 maalmood kadib marka lasoo saaro.

Xogta Qiimeynta

  • Haddii aad doorato inaad furto qiyaasaha dheeraadka ah, xog kooban oo iskudhafan ayaa lala wadaagi doonaa DOH si kor loogu qaado shaqada ablikeeshinka.
  • Xogtaan waxaa ku jira cabirada ku aadan sida ablikeeshin loo isticmaalay. Kuma jiraan wax xog ah oo loo adeegsan karo in lagugu aqoonsado.
  • Waxaad dooran kartaa inaadan xogtaan cid la wadaagin adoo daminaaya qaybta la wadaagista xogta qiimaynta ee ablikeeshinka.

Naqshad ahaan, WA Notify ma qoro xogta goobta ee taleefankaaga mana aruuriyo ama sheego xog kugu xiraysa adigga ama taleefankaaga koodhadhkooda isku dhafan ama koodhadhka xaqiijinta ee aad soo saartay.

Waxa dhacaaya marka aad codsato koodhka xaqiijinta:

Isticmaalayaasha WA Notify kuwaasoo laga helay caabuqa COVID-19 ee lagu helay tijaabada guriga lagu sameeyo ayaa codsan kara koodhka xaqiijinta ee WA Notify si ay qaab qarsoodi ah uga digaan dadka kale ee isticmaala WA Notify suurtagalnimada inay caabuqa qaadeen. Si ay u helaan koodhka xaqiijinta, isticmaalayaasha WA Notify waa inay geliyaan taariikhda xiliga laga helay caabuqa iyo lambarkooda taleefanka. Isla aalada loo adeegsaday in lagu codsado koodhka waa in loo adeegsadaa gelinta koodhka xaqiijinta ama laga gujiyaa lifaaqa xaqiijinta si qaab qarsoodi ah looga digo dadka kale ee isticmaalaha WA Notify suurtagalnimada inay caabuqa qaadeen.

Si looga hortago in warbixinta hal baaritaan dhawr jeer lagu cesho, WA Notify ayaa si ku meel gaar ah u kaydiya nooca dhawrsan ee lambarka taleefanka loo adeegsaday codsiga koodhka muddo 90 maalmood ah. Xogta kuma jiri doonaan wax kamid ah xogta qofka ama goobta loomana adeegsan doono in lagu aqoonsado isticmaale ku jira WA Notify.

Yaan la wadaagnaa xogtaada?

Ma jiri doonto wax kamid ah xogtaada oo aruurinayno ama la wadaagayno si iskeen ah cid kale, illaa inaad geliso lifaaqa ama koodhka xaqiijinta maahee. Haddii aad geliso, WA Notify ayaa la wadaagaaya koodhadhkaaga iskudhafan taleefanada kale ee u dhawaa taleefankaaga. Lifaaqa ama koodhka xaqiijinta kuguma aqoonsan karo qof kale oo aan gali karin taleefankaaga. Akhri "Macluumaadka aan Aruurino aadna Isticmaalno?" ee ku qoran qaybta kore ee boggaan si aad xog dheeraad ah uga hesho nooca xogta la aruurinaayo laguna adeegsanaayo WA Notify.

Sidee ayaan u difaacaynaa xogtaada?

WA Notify ayaa difaacaaya koodhadhka isku dhafan asagoo adeegsanaaya Exposure Notification Framework (Naqshada Ogaysiiska Qaadista Caabuqa) ee Google iyo Apple, kaasoo ay ku jiraan shuruudo aad qaas u ah oo la xariira sida loo qarinaayo loona diraayo koodhadhka. WA Notify ma kaydinaayo ama masoo saaro koodhadhkaaga iskudhafan — taleefankaaga ayaa soo saara.

Xaquuqdaada ku aadan xogtaada

Sabab la xariirta in koodhadhka xaqiijinta iyo kaydadka ablikeeshinku inaysan kaa aqoonsanayn meelna sababtoo ah ma geli karaan taleefankaaga, DOH ma geli karto xogtaan. Arintaan awgeed, DOH si amaan ah kuuma siin karto ama uma tiri karto xogtaan adoon ka codsan. Adigga ayaa maamula adeegsiga WA Notify. Taleefankaagu waa inuu kuu sahlaa inaad iska xirto Ogaysiisyada Qaadista caabuqa ama aad tirto liiska qaadista caabuqa ee ku kaydsan taleefankaaga markaad doonto. Waxaa intaas dheer, waad ka saari kartaa aaladaada WA Notify markaad doonto. Haddii aad ka saarto, dhammaan koodhadhka isku dhafan ee la kaydiyay waa la tirayaa.